Kulanka wadatashiga ee Golaha Wasiirada oo la soo gabo gabeeyay.

0
184

Muqdisho:Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku soo dhammaaday Kulan looga tashanayo sida ugu habboon ee ay howlaheeda u billaabi
lahayd xukuumadda cusub ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Cabdiweli Seekh Axmed.

Kulanka oo shaley furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qorshe laba geesood ah oo kala ah, Qorshe howleedka sannadkan cusub ee Xukuumadda iyo Hiigsiga sannadka 2016-ka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, xubnaha golaha wasiirrada, hey’adaha Qaramada Midoobey, safiirrada dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah, wadamada deeq bixiyeyaasha xubnaha ka socda iyo AMISOM.

Kulanka qodobbada looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa xasilinta geyiga Soomaaliya iyo dhammeystirka qorshaha dowladda muddada u harsan, iyadoo Xukuumaddu ay soo bandhiggay Istaraatijiyadda ay u diyaarisay howlgalkeeda dhawaan billaabanaya.

Ku-xiggeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo warfidiyeennada la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in  wadamada caalamka ee shirka soo qeybgalay la hor dhigay fulinta wajiga cusub ee Nabadgalyada dalka iyo  doorka hoggaamineed ee dowladda Soomaaliya.

wsiirad cusub DF soomaaliya

 Idale News Online, Muqdisho.