Kulanka Barlamanka oo looga hadlay Sharciga doorashada iyo Xildhibaan lagu badalay Xaabsade

0
210

Muqdish(INO)-Kulanka Barlamanka Soomaaliya ee maanta ayaa looga hadlay hindiso sharciyeedka Doorashooyinka oo maanta ay ahayd in la ansixiyo.

Ansixinta ayaa dib u dhacday sababo la xiriira Kooramka Barlamanka Soomaaliya oo aan buuxin sida uu sheegay Gudoonka Barlamanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa loo dhaariyay inuu ka mid noqdo Barlamanka, waxa uu badalay Xildhibaankaan booska Aabihiisa Maxamed Xaabsade oo geeriyooday maalmo ka hor.

Sharciga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa in la meelmariyo maalinta Sabtida ah.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here