Kulan xasaasi ah oo Madaxtooyada Kismaayo uga socdo wafdi heer Wasiir & Maamulka Jubba

0
387

Kismaayo(INO)-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradaa Arrimaha gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa safar ku wehlinaayay xildhibaano ka tirsan BF Somalia, Saraakiil iyo Howlwadeeno ka howlgala Xafiiskiisa.

Ujeedka socdaalka Xubnahaani ayaa la xiriir sidii wadahadalo ay ula yeelan lahaayeen Madaxda Maamulka Jubba oo la filayo inay isla soo hadal qaadaan arrimaha la xiriira Amaanka iyo Maamulka wanaaga.

Booqashada ayaa sidoo kale kusoo aaday iyadoo dadaalo lagu soo xulayo Barlamanka Jubba ay ka socdaan Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Wafdiga iyo Maamulka Jubba ayaa la filayaa in kulanka kadib ay si wada jir ah usoo wada saaraaan Warbixin ka turjumeyso socdaalka Wasiirka iyo miro dhalka kulankooda.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here