Kulan Xaley Dhexmarey Madaxweynaha iyo dhamaan Xildhibaanada

0
247

Kulan wada tashi ah oo uu ku baaqey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley la qaadey Xildhibaanada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ahaa musharaxiinta la tartameysey Madaxweynaha kuwoodii safka hore kaga jirtey tartankaas.

Guud ahaan kulankaas oo u muuqdey in madaxweynuhu taageero ugu raadinaayey shaqsiga la filaayo inuu u soo magacaabo, isagoo dhanka kalena la tashiyo xildhibaanada kala yeelanaayey magacaabista Xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga cida rasmiga ee madaxweynuhu u wado inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, balse waxay tartamayaashii jagada madaxweynaha iyo xildhibaanaduba ku taliyeen inuu Ra’iisul wasaaraha cusub noqdo qof leh karti, aqoon iyo daacadnimo.

Idale News Muqdisho