Kulan Masuuliyiin U.S ah ay ka qeyb galayaan loogana hadlayo Doorashada Somalia oo lagu qabanayo Kenya

0
206

Nairobi ( INO)-Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa maalinta barito ah waxaa looga hadli doonaa isbedelka Siyaasadeed ee Dalka, la Dagaalanka Al Shabaab iyo Arrimaha la xiriira dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka, John Kerry ayaa lagu wadaa in uu booqdo Magaalada Nairobi, islamarkaana uu Madaxda Kenya kala soo hadli doono arrimahaasi.

Xoghayaha ayaa sidoo kale Magaalada Nairobi waxuu kula kulmi doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya, Aamina Maxamed, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan Isbedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Arrimaha la xiriira Xarakada Al Shabaab.

Kulanka labada Mas’uul dhex mari doona ayaa sidoo kale waxaa lagu faaqidi doonaan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socdo Dalka Soomaaliya.

Weli lama shaacin hadii Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay ka qeyb gali doonaan kulamada looga hadlayo xaalada Dalka Soomaaliya oo Madaxda Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.