Kulan Madaxtooyada ku dhexmarey Madaxweyne Xasan & saraakiil sare oo dalka Ingiriiska ka socda

0
225

Xarunta Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan heerkiisu sareeyo ku yeeshey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha guud ee ciidamada dowlada Ingiriiska Sir Peter Wall iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Bough.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyey masuuliyiintaas ka socota dalka Britian qorshe howleedkiisa ku saabsan dhisidda iyo kor u qaadista tayada ciidamada qalabka, waxuu ka codsadey dowlada dalka Britian in ay gacan ka siiyaan sidii looga mira dhalin lahaa qorshahaas dowladu soo bandhigtey.

“Waxaan rabnaa in aan bedelno dhaqanka iyo habka tababarka ciidanka, waxaan dooneynaa in aan abuurno ciidan qaran oo tayo leh. Sidaa darteed waxaan u baahanahay in aan helno taageero toos ah oo loo fidiyo hay’adaha dowlada”. ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay ahmiyad siineyso tayeynta hay’adaha dowliga ah,  iyadoo lala kaashanayo dadka iyo dowladaha khibradda u leh arrintan, isagoo dowlada Ingiriiska ka codsaday in ay gacan ka gaystaan qorshahaan. “waxaan diiradda saareynaa in dad xifrad yahano ama khuburo ah ay la howl galaan ama caawiyaan shaqaalaha dowladda, si loo dhiso awoodda hay’adaha dowladeed”. sidaasna waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Taliyaha Guud ee ciidamada Ingiriiska Sir Peter Wall ayaa faahfaahiyay sida ay uga go’antahay ra’iisul wasaare David Cameron iyo dowladdiisa in ay wada shaqeyn buuxda dhexmarto dowlada Soomaaliya iyo Britain, Wuxuuna tilmaamay in dhinacyada ay Soomaliya ka caawinayaan ay ka mid tahay dhisidda ciidamada.

Gabagabadii kulankii ay 2da dowladood yeesheen waxaa ka hadley safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Bough waxuuna u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay taageero dhan walba ah ay siiso dowlada Soomaaliya. Waxay kula dardaarmeen madaxda dowlada in ay isbedel dhab la timaado dowlada si looga hortago musuqmaasuqa iyo maamul xumida lagu eedeeyo madaxda dowlada.

 

Idale News Muqdisho.
Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com