Kulan Looga Hadlayay Howlgalka AMISOM Oo Ka Dhacay Addis-Ababa

0
363

Addis-Ababa ( INO)-Guddiga isku-duwaha howlaha Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa kulan looga hadlayay Xaalada Dalka Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM waxuu ugu soo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Danjire Ismaaciil Chergui ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka socda Howlgalka AMISOM iyo Xubno matalaya qaar ka mid ah Saaxiibada Soomaaliya.

Xubnaha ka qeyb galay kulankaasi ayaa si qoto dheer u faaqiday horumarada laga sameeyay Soomaaliya iyo Shir dhawaan la filayo in lagu qabto Magaaladada Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Shirkaan ayaa looga hadlay dhaqaalo la’aan soo wajahday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo lagula Dagaalamayo Ururka Al Shabaab.

Mas’uuliyiinta Shirkaasi isugu yimid ayaa amaan ballaaran u jeediyay Qaramada Midoobay iyo Dowladdaha kale ee taageerada u  fidiyay Ciidamada Nabad Ilaalinta  ee AMISOM.

Dhinaca kale, Guddiga isku-duwaha howlaha Militari ee Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay muujinta dadaalo dheeraad ah oo lagu taageerayo howlgalka AMISOM si looga guuleysto Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa Dagaal yahano ka tirsan waxey ku sugan yihiin Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya.