Baydhabo(NO)-Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa ka dhacay kullan ballaaran oo looga hadlayay ammaanka guud ee gobalada Koonfur Galbeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen xubno dhowr ah.
Kulankaan waxaa wada yeeshay madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa ka socday Dowladda Itoobiya, iyo Waxgaradka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya .
Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobalka Bay oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ay tahay ka wada qeybqaadashada ammanka guud ee Seddax gobal, loogana bahan yahay maamulka Koonfur Galbeed ciidamo tababar loo siiyo.
Waxgaradkii ka qeybgalay kullankaasi ayaa sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin ka shaqeynta amniga gobalada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale dhiiri gelinta shacabka deegaanadaasi ku nool.
waxaa kulankaasi ka hadlay madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in Waxgaradka gobaladaasi looga baahan yahay inay keenaan dhalinyaro ciidamada amniga loo tababaro, si loo helo amni iyo kala dambeyn.
Ugu dambeyntii Waxa uu Shariif Xasan kula dardaarmay guud ahaan shacabka Seddaxaasi gobal deggan inay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo carqalad ku ah amniga guud ee gobalada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.
Idale News Online, Baydhabo