Kulan looga hadlayay amniga iyo qaadista canshuuraha gobolka Banaadir ayaa maanta agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir ku dhexmaray magaalda Muqdisho kaas oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhinaca amniga.
Kulankan oo ahaa mid heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa kulanka diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amaanka gobolka waxaana lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka siyaasada iyo arrimaha bulshada Cali Axmed Guure oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ahmiyada kulankan ay tahay sidii loo xoojin lahaa amaanka gobolka maadama amaanka uu laf dhabar u yahay bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uuna intaasi ku daray in agaasimeyaasha waaxaha gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii loo dar dar galin lahaa qaadista canshuurta si wax looga qabto adeegyada kala duwan oo ay bulshada u baahanyihiin.
Kulankan ayaa ah mid dhaca Axad walba kaas oo looga hadla dib usoo celinta dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Idale News Muqdisho