Kulamo lagu xalinayay xiisada ka taagan Kismaayo oo fashil ku dhamaaday

0
212

Iyadoo dhinacyadii maalin ka hor ku dagaalamay magaalada Kismaayo ay wali isku hor-fadhiyaan qeybo ka mid ah magaalada, ayaa waxaa fashil ku yimid kulamo la doonayo in xal looga gaaro xiisada ka taagan magaalada ee u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee ka wada tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka wada hadalo shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya la isku mari waayay, kadib markii dhinac ka mid ah maleeshiyadii dagaalantay ay dalbatay in daaraha ay saaran yihiin Ciidamada ka degaan, wada hadalna la isugu yimaado.

Kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Kenya ayaa waxay ku guuldareysteen inay meel dhow isugu keenaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana kulankan qeyb ka ahaa Saraakiisha labada dhinac, odayaal, waxgarad iyo ganacsato deegaanka ah.

Waxaa isa soo taraya baaqyo ku wajahan sidii colaada ka dhex taagan labada ciidan lagu joojiyo, waxaana jira eedeymo loo jeedinayo maamulka KMG oo ku aadan gacan ka hadalka ka dhacay magaalada oo aan muddo afar sano ah intii Shabaabka maamulayeen uusan ka dhicin.

Dhinaca kale waxaa maqan isgaarsiinta magaalada oo shalay gelinkii dambe hawada laga saaro, waxaana taas ay sii murjisay xiisada labada dhinac u dhaxeysa oo wali aan xal laga gaarin, inkastoo dadaalo kala duwan ay ka socdaan Muqdisho, Gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, waxaana dadka deegaanka ay jahwareer ka muujinayaan xiisadaha dhinacyada u dhaxeeya oo magaalada qeybaheeda kala duwan isku hor fadhiya.

Idale News Muqdisho