Kulamo iyo Isbaheysi xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka KGS, Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Nairobi & Addis Ababa ka socda

0
258

Nairobi (INO) – Tan iyo markii ay soo bateen falalka ay ka mid yihiin kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liisaska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidammada amniga iyo hantida kale ee maamulka KGS si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale, ayaa waxay arrimahaasi oo dhan abuurmeen mucaarado xoog leh oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka KGS Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxayna soo dedejisey isbaheysi iyo kulamo siyaasadeed oo la doonaayo in Madaxweynaha maamulkaasi laga qasbo in uu xilka ka tago ama xoog looga kaxeeyo.

Kulamadii ugu horeeyey oo si qarsoodi ah u dhex mara saraakiil hogaamineysey isbaheysiga siyaasadeed iyo saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyan isugu jira ayaa ka dhacey magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee caasimada dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaana ka soo qeyb galey qaar ka mid ah waxgarad, siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Somalia & saraakiil reer galbeed

Ujeedada kulamadaan hoose ee ay dhinacyadu ku leeyihiin dalalka deriska ayaa looga gol leeyahay sidii ay wada shaqeyn u dhex mari laheyd dowladaha deriska iyo isbaheysiga siyaasadeed ee cusub isla markaasna meesha looga saari lahaa Nidaamka uu Madaxda ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku dhaliileen  inuu ku xadgudbey nidaankii & sharuucdii lagu dhisay maamulka KGS, amni daro baahsan oo ka jira deegaanada D&M, inuu awooddii maamulka KGS ku soo koobey shaqsiyaad gaar ah  iyo ehelkiisa, iyo in uusan haysan taageerada 95% dadka ku nool 3da gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Masuul ka gaabsadey in la xuso magaciisa oo wada hadalo kula leh saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ayaa yiri:- “Geed dheer & geed gaabanba waan u fuuleynaa sidii dalalka deriska iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi  xiriir wada shaqeyn noo dhex mari lahaa isla markaasna looga dhaadhicin lahaa gacansiinta dhaqdhaqaan cusub oo loogu talo galey in lagu soo celiyo deganaanshaha & kalsoonida shacabka KGS oo wax ka tari karta sugidda amniga gobolka.

Ma aqbali doono in maalin walba indhaheenu arkaan tacadiyo soo laablaabta, maamul xumo joogto ah, Musuqmaasuq baahsan iyo ku tagrifal awoodeed oo lagu dhibaateynaayo dadkeena, waa in Shariifku meesha isaga tagtaa ama awood looga saaraa”. ayuu sarkaalku hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale, waxaa gudaha magaalada Baydhabo ka socda dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dadka ka soo jeeda KGS kuwaas oo ay suuro gal tahay inay qabanqaabiyaan dibadbaxyo ay ku dalbnayaan in Madaxweynaha Maamulka KGS si nabadgelyo ah meesha isaga tagto, ama kacdoon shacbi oo taageero ka haysta dalalka deriska iyo wadamada daneeya arrimaha Somalia xilka looga qaado.

Idale News Online, Nairobi.