Kulamadii wadatashiga magacaabista Xukuumada cusub ee R/Wasaare C/wali Sheekh oo meel gabogabo maraaya

0
203

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa wada kulamadii ugu dambeeyey ee ku aadana la tashiyada uu doonayo inuu ku soo dhiso xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo.

Kulamo iyo shirar ayuu wada wali raysal wasaaraha waxaana la sheegay in heer gabo-gabo ah uu mar siinayo latashiyadii uu ku soo dhisi lahaa xukuumadda laga dhoowrayo inay dhawaan la soo dhiso, kuwaasoo noqon doona kuwo ka ballaaran Wasiiradii Xukuumadii hore.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya,waxaa uu horrey u sheegay inuu soo wado xukuumadd ka ballaaran,xukuumadi horre ee ka koobned 10-wasiir.

Meeqey noqon doonan wasiirada cusub:

Sida ay Idale News Online u xaqiijiyeen dad ka ag-dhow raysal wasaare C/wali,waxaa uu qorshaha lugu soo magacaabaya uu yahay wasiirada cusub mid ka ballaaran kuwii horrey u jiray,waxaana la sheegay in la laba jibaari doonno xukuumada cusub.

Illaa iyo 25-wasiir ayaa la sheegay inuu soo magacaabi doonno raysal wasaaraha cusub ee dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida siiyeen,waxaana ay tiradaa korartay ee wasiirada la soo magacaabayo fursad siinaysa inay xukuumadda ka mid noqdaan beelo an horrey xubin ku lahaayeen xukuumada jirtay.

R/wasaaraha oo si gooni gooni ah ula shiray xildhibaanada baarlamaanka:

Raysal wasaare C/wali Sheekh Axmed,waxaa uu xalay kulan ballaaran la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo beel beel uu ula kulmayay,waxaana kulanka labada dhinac uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada la shiray raysal wasaaraha oo qaar kood ay la xiriirtay Idale News Online,ayaa sheegay inay isku afgarteen raysal wasaaraha arrimihii ay kawada hadleen,waxaana ay sheegeen xildhibaanada raysul wasaaha ay dalab u gudbiyeen halka sidoo kalena uu raysul wasaaruhu uu isna codsi u gudbiyey xildhibaanadi beel beesha uu ula shiray.

Ugu hareyn raysal wasaare C/wali ayaa la sheegay inuu xildhibaanada codsi ugu jeediyey inay taageeraan Xukuumadda uu soo dhisi doono,waxaana ay intooda badan u sheegen inay ku taageeri doonan haddii uu soo magacaabo cid lugu tuhmayo inay la imaan karto wax qabad muuqda oo dalka hormar u hor-kici kara.

RW oo la shiray xubno ka tirsan xildhibaanada
RW oo la shiray xubno ka tirsan xildhibaanada

Sidoo kale xildhibaanada ayaa iyaguna raysal wasaaraha dalab ugu gudbiyey inuusan soo celin wasiiradii horey uga mid ahaa xukuumaddii ay codka ku rideen,waxaana ay inta ku dareen xildhibaanada hadalkii ay raysul wasaaraha u sheegeyn inay qabaan mar hadii R/wasaarihii hore uu meesha ka baxay, Wasiiradiisana aysan soo laaban,maadaama hadii xukuumada lagu eedeeyay waxqabad la’aan Wasiiradana ay qeybta ugu weyn leeyihiin.

Arrintaan ay xilligaan ka dalbadeen baarlamaanka inusan raysal wasaaraha uusan soo celin wasiiradii hore ayaa la sheegay inay ku noqotey caqabad bilow ah,maadamaa wararka qaar ay sheegayaan in qorshaha ay raysul wasaaraha ugu jirto inuu soo celiyo xubno ka mid ah wasiirada kuwaaso la sheegay in loo badali doonno xilalkii horre ee ay hayeen.

Warar kale oo ay helayso Idale News Online waxaa ay sheegayaan in raysal wasaaraha uu diyaariyey inta badan xubnaha uu u soo magacaabayo inay ka mid noqdaan xukuumadda uu soo dhisayo.

Ugu danbeyn: ku dhawaaqista xukuumadda uu soo wada raysal wasaare C/wali Sheekh Axmed,ayaa la sheegay inay imaan doonto sida la qorsheynayo in bilowga Janaayo ee sanadka 2014 ama dhamaadka December ee sanadkan sii dhamaanaya lagu dhawaaqo,halka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari uu ugu baaqay raysal wasaaraha Janaayo ka hor inuu soo dhiso xukuumaddisa,in kasto saacad walba ay wax isbadali karaan.

PM

Idale News Online