Ku Dhawaad Boqol Qof Iyo Gadiid oo Lagu Qabtay Howlgal Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo

0
197

Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in Saakay Howlgalo balaaran oo ay sameeyeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo qabqabtay ku dhawaad 100 qof iyo gaadiid badan.

Baydhaba Janaay.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in howlgaladda oo socda Maalintii Labaad dadka lagu qabtay baaritaano xoogan ay ku socdaan.

Taliyaha Qeybta Boliiska ee Gobolka Baay Gaashanle Sarre Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladasi lagu soo qabqabtay rag badan oo lala xiriirinayo Al Shabab.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale howlgalo uga sameeya markasta Goobaha ay ka arimiyaaan.

Sahal News Online, Baydhabo