Baydhabo (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay aya sheegaya in Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo Dad lagu tuhmayo Al Shabaab lagu soo qab qabtay.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalladan waxey siyaabo kala duwan uga sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo, halkaasi oo laga soo xiray 4 Ruux oo lala xiriirinayo Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Bay, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay 4 qof oo lagu eedeynayo la shaqeynta Al Shabaab.
Waxuu Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan sidoo kale qeexay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay la wareegeen mid ka mid ah Dadkii la soo xiray kaasi oo si dhow looga shakisan yahay in uu ka tirsanaa Al Shabaab.
Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo AMISOM ayaa howlgallo dhanka amaanka ahi waxey muddooyinkan dambe ka sameenayeen qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Idale News Online, Baydhabo