Wararka laga helaayo degmada Bardaale ee gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in cudur aan la aqoon uu ka dilaacay tuulooyinka hoos yimaado deegaankaas iyadoo dad badan ay u dhinteen.
Gudoomiyaha degmada Bardaale ee gobalka Bay Axmed Isaaq Xasan oo la hadlaayay laanta afka Somaliaga ee VOA-da ayaa waxa uu cadeeyay in cudurkaas uu jiro isla markaana hadda ay hayaan 20-qofood oo u geeriyootay cudurkaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in illaa iyo hadda la garan la’yahay waxa uu yahay cudurkaas isla markaana uu ku faafaayo deegaano badan oo hor leh oo ka tirsan Gobalka Bay .
Illaa iyo hadda ma jirto wax dhaqaatiir ah oo gaaray halkaas kuwaas oo wax ka qabanaya xaalada Caafimaad daro ee ka jirta degmada Bardaale ee gobalka Bay deegaanada hoos yimaada.
Idale News Onlne,Bay.