Baardheere (INO)—Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaley bartamaha Magaaladaasi, Kooxo hubeysan ay ku Dileen Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Degmada Baardheere.
Marxuumka oo lagu magacaabu jiray Cabdullaahi Cabdi Aadan ayaa Kooxo ku hubeysanaa qoryaha daran dooriga u dhaca waxey ku Dileen nawaaxiga Masjidka ugu weyn ee Degmada Baardheere.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Baardheere, Cabdi Sheekh Xasan Cilmi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay Dilka Cabdullaahi Cabdi Aadan, kaasi oo ahaa Madaxii Canshuuraadka Maamulka Degmadaasi.
Taliye Cabdi ayaa intaasi ku daray in haatan ay socdaan baaritaano ku aadan soo qabashada Kooxihii ka dmabeeyay Dilkaasi, inkastoo ay goobta ka baxsadeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Caawa Degmada Baardheere loogu geystay Madaxii Canshuuraadka ee Maamulka Degmada Baardheere.
Idale News Online, Baardheere