Kooxo hubeysan oo Gaari ay la socdeen Shacab ku rasaaseeyay Gobolka Shabellah Hoose

0
353

Shalanbood (INO)—Maamulka Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar Dableyn hubeysan ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah oo marayay inta u dhaxeysa Degaanada Shalanbood iyo Janaale ee Gobolkaasi.

Nuur Cismaan Raage Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood oo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay in Gaarigaasi la rasaaseeyay uu ka soo amba baxay Degaanka Shalaanbood, islamarkaana uu ku sii jeeday Degaanka Janaale.

Guddoomiye Raage ayaa waxuu intaasi ku daray in rasaastaasi uu ku dhintay 1 Ruux, isagoona qeexay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayay Dableydaasi.

“Waxaan sameenay howlgallo kala duwan balse ma suuro gelin in aan gacanta ku soo dhigno Dableydaasi” ayuu yiri Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

Dhawaan ayee aheyd markii Kooxo hubeysan ay rasaas la dhaceen Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah, waxaana rasaasi ka dhashay khasaaro iyo jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Rakaabkii saarnaa Gaariga.

Idale News Online, Shalanbod