Kooxo Hubeysan Oo Degmada Afgooye Ku Dilay Sarkaal Ka Tisran Wasaarada Beeraha Soomaaliya

0
197

Afgooye(INO) — Rag hubeysan ayaa maanta ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Beeraha DF Soomaaliya; kaaso lagu magacaabi jiray. Maxamed Gurufaay.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tisranaa saraakiisha Xafiiska Waasaaradda ay ku leedahay degmada Afgooye, iyadoo kooxaha dilka dilka sarkaalkan geystay ay u suuro-gashay inay si fudud u baxsadaan.

“Dhallinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa toogashada geystay… dilka kaddibna si dhaqso ah ayay goobta uga baxsadeen… ma garanayno sababta loo dilay, wuxuu ahaa sarkaal degmada si wanaagsan looga yaqaanno,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah shacabka degmada Afgooye.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo billaabay inay baaritaanno sameeyaan, balse ma jirto cid ay weli kusoo qabteen howlgalkooda.

Maamulka Degmada Afgooye ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalkan, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo weerarro ay Al-shabaab la beegsanaysay tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan saraakiisha dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here