Kooxo Hubeysan Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Marka Ee G/Sh/Hoose

0
340

Marka (INO)—Wararka laga helayo Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan maanta halkaasi ay ku Dilen labo Ruux oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan gudaha Magaalada Marka.

Goobjooge la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay in Dilka labadaasi Ruux oo ka shaqeenayay Foorno Rooti uu ka dhacay Xaafada Buulo Jaan ee Degmada Marka oo qiyaas ahaan 109Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho .

Kooxaha Dilkan geystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen halka uu ka dhacay falkaasi Dilka ahaa.

Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga Soomaaliya ayaa baro cayiman kaga sugan qeybo ka mid ah Magaalada Marka, iyadoona Saraakiisa Dowladda lagu eedeeyo inta badan in aysan waxba ka qaban falalka amaan darri ee ka dhaca Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa ka dhaca Dagaallo iyo Dilal qorsheysan, kuwaasi oo intooda badan salka ku haya anooyin qabiil.

Idale News Online, Marko