Kooxda Gurmad ayaa gobolka Minnesota kaga dhawaaqey Musharaxooda Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

0
487

Urur la magac baxay Gurmad oo sanad ka hor lagu aasaasey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimey kana dhacdey Hotel Marriot oo ku yaala magaalada Minneapolis ku soo bandhigeen musharaxooda xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan 2016.

Dr Abdinasir Mohamed  oo ah musharaxa kooxda Gurmad ee madaxtinimada Soomaliya ayaa ku dhawaaqey inuu u taagan yahay xilka Madaxtooyada Soomaaliya, waxuuna sheegay inuu aqbaley talo soo jeedinta ururka Gurmad  ee ka qeybgalka masraxa siyaasada iyo madaxtinimada dalka, waxuuna sheegay ka qeybgalkooda doorashada 2016 in ay tahay wadada kaliya oo ay is bedel ku keeni karaan.

drAbdinasir1 drAbdinasir2 drAbdinasir3 drAbdinasir

Kooxdaan ayaa ku saleeyey ka qeyb galkooda siyaasada Soomaaliya in dhagaha laga fureystey dhamaan baaqyadii kala duwanaa ee muddada sanadka ah ay la wadaageen hay’adaha kala duwan ee dowlada iyo weliba beesha caalamka si loo helo deganaan siyaasadeed iyo talo guud oo Somalia ay leedahay oo ka madaxbanaan faragelin iyo shirar aan wax natiijo ah laheyn.

Dr. Abdinasir Mohamed oo ah dhaqtar Ilkaha, kana howlgala Isbitaal ku yaala gobolka North Caroline ayaa sheegay in shaqsiyan yahay qof go’aan qaadasho adag isla markaasna jecel inuu wax badan ka bedelo xaalada siyaasadeed iyo tan nololeed ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxuuna  sidoo kale sheegay in dhowaan tagi doono gudaha dalka si uu u xoojiyo ololihiisa doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Doctor Abdinasir Mohamed oo heyb dhow la ah Marxuum Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, ayaa waxuu dalka Mareykanka yimid horaantii sagaashameeyadii, waxuuna waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed ku qaatey dalka Mareykanka, sidoo kale waa ganacsade share ku leh mid ka mid ah suuqyada ku yaala gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu u badan tahay.

Aasaasayaashii kooxda Gurmad oo aan intooda badan soo xaadirin goobta xaflada ka dhaceysey ayaa la sheegayaa in ay ugu kala qeybsameen isla markaasna kula kala tageen aragtida ku aadan ka qeybgalka  doorashada madaxtinimo ee  Somalia ee xiligaan. Waxayna qaar ka mid ah asaasayaashii ururka Gurmad idalenews u sheegeen in dad dano siyaasadeed leh ay hareer mareen hadafkii loo aasaasey ururka oo ay ka mid tahay wacyigelinta bulshada,  dib u heshiisiin guud iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Idale News Online, Minneapolis, MN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here