Abuja(INO)-Kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Haram ayaa ku gowracay xaafada Buratai ee Waqooyi Bari Gobolka Borno ee dalka Nigeria ku dhawaad 23 ruux, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo siyaasiyiin ku sugan Gobolkaasi.
Kooxda ayaa weerar ku qaaday deegaanka 11:00 Pm xilli habeen ah xiligaasi oo dadka rayidka ay inta badan hurdayeen, waxayna dab qabadsiiyeen deegaanka, kadibna dadka ay qabteen markii ay cararayeen.
“Kooxaha hubeysan waxay gowrceen 23 ruux oo deegaanka ah, waxay dhaawaceen dad intaasi ka badan.” Sidaasi waxaa yiri Ibraahim Adamu oo ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka.
“Waxay gubeen qeyb badan oo xaafada ah waxaana ka baqeynaa in dadka qaarkood ay ku gubteen guryaha, sababtoo ah dadka oo dhan sariirta ayay dul saarnaayeen markii weerarka dhacayay.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray siyaasi Ibraahim.
Isbitaal dowlada leedahay oo ku yaala meel u dhow tuulada la weeraray ayaa la dhigay 32 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana ka muuqday rasaas iyo dab jirkooda qabsaday.
Dadka dhaawacmay ayaa sheegay in dad badan qoorta ay ka jareen kooxda weerartay deegaanka ay ku sugnaayeen.
Idale News Online, Abuja.