Garisa(INO)-Al-Shabaab, oo ka mid ah Ururrada reer Galbeedku u Aqoonsanyihiin in ay ka tirsanyihiin Al-qaacidda ayaa waxaa ay hadda Billaabeen Awood Muujis ay ku Canshuurayaan dadka Kenyan-ka ah.
Talaadadii, Al-shabaab waxaa ay la Wareegeen Xaafad ka mid ah is Maamulka Isiolo, Waxaana ay dadka u sheegayeen in aysan Dowladda kala shaqeyn karin Baaritaanada ay ku hayaan dadka Hubeysan oo ay ka mid yihiin Shabaabku.
Al-Shabaab, ayaa waxaa ay dhigteen Waddooyinka baro ay Lacag ku Uruurinayaan Gaadiidkana looga qaadayo Canshuuraad Warqado Boonooyin ahna ay ugu Jarayaan dadka, Ganacsiga ayey sidoo kale Lacag ka Uruurinayaan.
Dadka deegaanka Warankara oo Al-Shabaab ay Qabsadeen Maalin ka hor ayaa sheegay in Shabaabku ay Roondo ku yimaadeen dhowr mar deegaanka, waxaase midda dadka Fajaca ku Noqotay ay tahay in Goobtaas uu aad ugu dhowyahay ilaa 9 mile-na uu u jiro Fadhi weyn oo ay Meletariga Kenya leeyihiin.
Waa ay dili karaan qof kasta oo shacabka ka mid ah, wallow aysan dileyn dadka haddana Baqdin xooggan ayaa jirta oo dadka deegaanku ay qabaan.
Al-Shabaab, oo la macno ah “Dhallinyarada” Afka Carabiga, Joogitaankooda ugu weyn waxaa ay ku leeyihii Soomaaliya, haddana dalka Labaad ee ay Saameynta Xooggan ku leeyihiin waa Kenya.”
Idale News Online, Garisa