Koox Hubeysan oo Xaley Gurigiisa ku weeraray Xildhibaan ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka FS

0
475

Muqdisho(INO)— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow ayaa Xaley fiidkii ka bad baaday weerar kooxo hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan Ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay wateen labo mooto kuwa loo yaqaano Bajaaj, waxaana gurigiisa ay ku tuureen dhowr bam gacmeed.

Bamka lagu tuuray guriga Xildhibaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ka mid ah ilaaladiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in kooxihii bamka ku tuuray guriga xildhibaanka ay baxsadeen, laamaha amnigana ay ku raad-joogaan

“Kooxo watay labo mooto kuwa bajaajta ah ayaa guriga Xildhibaanka ku tuuray bam gacmeed, waana carareen, Xildhibaanka waxba ma soo gaarin, laakiin ilaaladiisa ayaa afar ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee lagu qaado guri uu degan yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Idale News Online, Muqdisho