Koonfur Galbeed Oo Xilka Ka Qaaday Isku Duwihii Wasaarada Maaliyada KGS Ee Gobolka Shabeelada Hoose

0
570

Afgooye(INO)- Warbixin ay heleyso Shabakada Wararka Idale News Online ayaa sheegaysa in xilka laga qaaday isku duwihii wasaarada Maaliyada Ee Dowlda Koonfur Galbeed ee Gobolka Shabeelada hoose.

Iskuwaha Wasaarada ayaa waxa ku magacaawnaa Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo la sheegey inuu ka mid yahay ragga colaada iyo xasilooni darada ka kawada Gobolka Shabellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif Shariif Xasan Sheekh Balse aysan arag Idale News Online ayaa lagu magacaabay  qof kale oo Magaciisa lagu soo koobay Shaafici Caqoore oo heyb ahaan ay ninkani wadaagaan.

Sababaha xilka looga Ceyriyey Qooley ayaa lagu sheegay is-dabarin iyo Musuq maasuq muddo soo jiitamayey oo uu dhaqan ka dhigtay, waxaana dadka xilka ka qaaday talada iyo maskaxda ay ka saareen in imaatankiisii hore uu ahaa mid Musuq iyo qaab dara kale ku yimid.

Shakhsiga loo magacaabay Iskuduwaha ee magaciisa lagu soo koobay Shaafici Caqoore ayaa la aaminsanyahay in uu ka mid ahaa shakhsiyaad si dhow ula shaqeya kooxda buracda badeeda ee ajaanibta si lacago madax furasha ah looga qaato.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa inta badan waxa uu caadi ka dhigtay in xilalka ay isku bed bedelaan Walalaha Galgaduud gacmahooda ay ka da’yaan dhiiga Shacabka shabeelada Hoose.

Idale News Online, Afgooye