Baydhabo(INO)- Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibrahim Aadan (Sate) ayaa sheegay in Maamulka uu sidii loogu talagalay u qeybinayo deeqdii gargaar ee ka timid Turkiga islamarkaana kala wareegtay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,
Wasiir Cabdiraxmaan Sate ayaa sheegay in ka Koonfur Galbee Soomaaliya ahaan ay si weyn ugu baahnaayeen deeqdani oo dhawaan xukuumadda federaalku ay ku wareejisay Saddex maamul oo uu maamulkaasi kamid yahay.
Waxa uu sheegay in kaamam barakacayaal oo ku yaalla goballada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool uu gaarsiin doono Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Koonfur Galbeed sida ugu wanaagsan oo loogu talagalay in gargaarka loo bixiyo ayaan u bixin doonnaa, annagoo uga faa’iideynaynaa dadka u baahan gargaarka Bini’aadannimo, runtii Saddex gobal ee Koonfur Galbeed meelo kala duwan waxaa ku nool dad danyar ah oo xilli adag ku jira maanta” sidaas waxaa sheegay wasiirka.
Ugu dambeyntii, Deeqdani oo dowladda Turkida ay bixisay ayaa loogu talagalay dadka danta yar waxaana sidoo kale lagu wareejiyay deeq lamid ah midda Koonfur Galbeed Soomaaliya la siiyay shalay maamullada goballada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.