Koonfur Galbeed Oo Deegaan u Diyaarinaysa Soomaalida Kasoo Laabaneysa Qaxootiga Kenya

0
180

Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed ayaa sheegday in hadda ay wadaan qorsheyaal ay deegaan ugu diyaarinayaa dadka kasoo jeeda gobolladaasi ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo Waraabka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in kulqamo ay la qaateen hay’ado ka socda Qaramada Midoobay oo dhanka Bini’aadannimada qaabilsan, kuwaasi oo ay kala hadleen arrimaha qaxootiga soo laabanaya.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad iskoos isku soo abaabulay oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, 275 ka mid ah dadkaasina ay dib u dejin u sameeyeen.

Dadka dib u dejinta loo sameeyay ayuu sheegay in hadda la barayo tababaro ku aadan sidii ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen.

“275 qof ayaan dib u dejin ugu sameynay waxaan barnay xirfado ay ku shaqeysan karaan, sidoo kale dadka imaanaya iyagana dib u dejin baa loo sameynayaa kuwa aan gobollada Koonfur Galbeed u dhalan iyaguna meelihii ay u dhasheen baan gaarsiineynaa” ayuu  yiri wasiirka.

Ugu dambeyntii, Deegaanno ka mid ah gobollada dalka waxaa dib ugu soo laabanaya Soomaalidii Qaxootiga ku ahaa dalka Kenya kuwaa oo si iskood ah usoo laabanaya.