Ceptown(INO)— Koofur Afrika ayaa isaga baxeysa xubinimada Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ee ICC, sida ay shaaciyeen Warbaahinta dalka Koofur Afrika oo helay nuqulo ka mid ah qoraal ay dowladda qortay, kaasoo ay Qaramada Midoobey kaga dalbaneyso ka bixitaanka Maxkamadda ICC.
Warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofur Afrika ayaa muujineysay hanaanka ay dooneyso in Joofur Afrika kaga baxdo Maxkamadda ICC.
Koofur Afrika ayaa ku eedeysay Maxkamadda ICC inay ka xagliso dalalka Afrika, isla markaana dacwadaha inta badan Maxkamadda qaado ay tahay mid ku eg kaliya dad Afrikaanka oo kaliya. ah.
Tallaabada ay Koofur Afrika isaga baxeyso Maxkamadda ICC ayaa timid, todobaad kaddib markii Madaxweyne Jacob Zuma uu booqday dalka Kenya, lana kulmay Uhuru Kenyatta oo horay dacwad ay Maxkamadda ICC u heysatay ku weysay.
Sanadkii hore ayay aheyd markii Koofur Afrika ay diiday codsi ka yimid Maxkamadda ICC oo lagu dalbanayay in lagu xiro Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas kaga qeyb galayay shir madaxeedka Afrika.
Maxkamadda ICC ayaa horay ugu eedeysay Koofur Afrika inay diiday inay xirto Madaxweynaha Sudan, waxaana dacwad ay u gudbisay Qaramada Midoobey.