Xudur ( INO)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in Kolonyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo ambabaxay deegaanka Rabdhuure kuna sii jeeday degmada Xudur ee Gobolka Bakool ay dhex u galeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu Magacaabo la galeey oo qiyaas ahaan 25 km u jira deegaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool waxaana halkaas la sheegay in labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal fool ka fool ahaa oo aad u culus.
Guddoomiyaha deegaanka Rabdhuure Maxamed Kheyr Salaad oo la hadlay IdaleNews.comayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid fashilmay islamarkaana Ciidamada dowladda ee la weeraray ay gaareen degmada Xudur oo ay ku sii jeedeen.
“ dhankeenna 1 Askari oo dhaawac u dhintay ayaa jiro iyagana koleey markee la xabadeeyay waa carareen khasaarahooda ma sheegi karo” ayuu yiri guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Gobolka Bakool.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas Ciidamada dowladda lagula qaaday Gobolka Bakool walow Al Shabaab ay horay weeraro kala duwan halkaas uga geysteen.
Idale News Online, Xudur