Wararka ka imaanay deegaanno kamid ah gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Xarakada Alshabaab weli ay gacanta ku hayaan shan nin oo ay kala degeen baabuur marayay tuulo ku taalla gobalka Jubbada Hoose.
Inta u dhaxeysa deegaannada Qooqaani iyo taabta ayaa lagu soo warramayaa in Alshabaab ciidamo ka tirsan mkaalin ka hor ay kala dageen baabuur ay saarnaayeen shan nin oo isugu jiray Ganacsato iyo dhallinyaro.
Ilaa hadda lama yaqaan sababta keentay in raggan Alshabaab ay gaariga kala degaan inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan saaka in weli ay la maqan yihiin.
Mararka qaar ayay ka dhacdaa deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab in dad rakaab ah oo ay eedeymo u jeediyaan ama ay wax ku tuhmayaan in ay degaan oo ay iska wataan.
Idale News Online, Kismaayo.