Kismaayo oo haawaneysa iyo Huwanta oo si taxadar leh u galaya magaalada.

0
210

Xarakada Al Shabaab oo muddo shan sano ka badan ka arriminaayey magaalo madaxda gobol ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya uga qanisan ayaa isaga baxay magaaladaasi ka dib markii culeys dagaal uu ka soo wajahay ciidamada huwanta ee ay muddo sanad ku dagaalamaayeen gobolka. Waxaa la sheegayaa in ciidankii Xarakada Al shabaab ee ka baxey magaalada ay aadeen dhanka koonfureed ee magaalada gaar ahaan degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe. Waxaana magaalada ku hareereysan ciidamadii huwanta oo isugu jira ciidanka dowlada, kuwa Kenya ee hoos taga dalada AMISON iyo Raaskambooni.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, General Dhegabadan ayaa saxaafada u sheegey in ciidamada Huwanta amar lagu siiyey inaysan galin magaalada sababo amni daro iyo qasaaro soo gaara ciidanka walxaha qarxa ee magaalada looga tagey. Waxuuna sheegey in ay magaalada si taxadar ku jiro u geli doonaan saacadaha soo socda.

Dadweynihii magaalada qaarkood ayaa la soo sheegayaa in ay bililiqo ugu dhaqaaqeen magaalada gaar ahaan xafiisyadii iyo xarumihii kale ee ay Xarakada ka talinayeen. Waxaana dad ku sugan magaalada Kismaayo sheegeen in lagu dilay magaalada labo qofood oo mid yahay ganacsade danyar ah iyo odey nabadoon ah oo dadka deegaanka dega ka mid ahaa.

Gobollada Jubooyinka gaar ahaa Jubbada Hoose ayaa waxay tahay magaalo istaartiijiad dhaqaale aad u weyn leh  marka la barbardhigo dalka intiisa kale , gobalku waxuu Ilaahey ku maneystey kheyraad isugu jira xoolaha, beeraha, macdanta, petrolka iyo kheyraadka guud ee Badda. Tan iyo markii ay burburtey nidaamkii iyo kala dambeyntii Somalia,  waxay magaaladu soo martey marxalado kala duwan sida boob, barakacin joogto ah oo ay ku kacayaan dadyahoow aad u tiro badan oo aan sal iyo raad toona ku lahayd Gobolada Jubooyinka, Isla markaasna caburin iyo dil aan loo meel dayin kula kaca dadkii deegaanka gobolka Jubbada Hoose, xaquuqdii gobalkana duudsadey.  Waxaana laga xusi karaa General Morgan, Col Cumar Jees, Barre Hiiraale, Yuusuf Seeraar, Al-Shabaab iyo kuwa kale oo dhamaantood ah aan ka soo jeedin deegaanka.

Haddaba, Dowladda Federaalka Somalia waxaa looga fadhiyaa sidii caqabada ka jirta gobalka ay xal waara ugu heli laheyd, Isla markaasna wadatashi kala yeelato Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo beelaha deegaanadaasi si loo helo amni waara iyo ujeedo iyo maamul mideysan oo dadka deegaanka ka wada raali yihiin.

Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com