Wararkan naga soo garaya Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in dagaal culus oo hada ka socdo bartamaha Magaalada kismaayo.
Halkan Ka Dhageyso;
[audio:http://radiokulmiye.com/knn/wp-content/uploads/2014/06/TTTT.mp3|autostart=yes]Dagaalkan ayaa billowday kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay ku toogteen bartamaha magaalada nin hubeysan oo la diiday inuu qoriga dhigo, taasoo sababtay in kooxo hubeysan oo ay isku hayb yihiin ay weerareen saldhigga.
Dagaalkan ayaa waxaa uu salka ku haya Khilaaf mudo la qarinayay oo ku dhex jira Maamulka Axmed Madoobe waxaana khilaafkaan bananka soo dhigay dagaalkaan.
Goobjoogayaasha ayaa intaas ku daray in rasaasta dhacaysay ay tahay mid aad u culus, ciidammo fara badanna lagu soo daadiyay magaalada, inkastoo aan la sheegi karin xilligan khasaaraha dagaalkaas uu dhaliyay.