Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyn ay fulisay diyaarad ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Kaamjaroon ay ku dhinteen dad rayid ah.
Guri ay degenaayeen dad rayid ah ayaa la sheegay in duqeynta lala beegsaday, waxaana ku noolaa qoys ka kooban todobo xubnood.
Wararka ayaa sheegaya in saddex ka mid ah qoyska ay ku dhinteen duqeynta, halka afarta kale oo dhaawac soo gaaray loo qaaday magaalada Kismaayo.
Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare, kana soo jeeda deegaanka duqeynta lala beegsaday ayaa sheegay in dadka la duqeeyay ay ahaayeen dad rayid ah.
Ma ahan markii u horeysay ee duqeyn ka dhacda Jubbooyinka lagu dilo dad rayid ah, sanadkii hore ayay aheyd markii qoys ku noolaa deegaan ka tirsan Jubadda Dhexe lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah.