Khriso: Aabaha Xurnimadoonka Soomaaliya Cabdiqaadir sheekh Sakhaawadiin oo noqodey Gdoomiyihiin ugu horeyey Ee ururkii SYL.

0
308

Wiilka dhuuban ee wadani ah ee sawirka idin ka muuqado ayaa ah Aabaha xurnimadoonka soomaaliyeed oo loo doortey inuu ahaado Godoomiyaha Ururka SYL sanadkii 1943.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen maadaama uu fekerka aas aaska naadigaasi uu asaga lahaaa halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.

Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.

Laga soo bilaabo sanadkii 1943-kii waxaa Xisbiga SYL laga furay gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed sida qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.

  • Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.
  • Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

FG: DM Adigaa Gobonimada Dalka Hormuud u Ahaa ee laakiin Maanta Waxaad Jiiftaa hurdo Aan Weligeedba La Hurdin Ee Jiifka Ka Kac.

SYL 1

Idale News Online.