Khilaafkii u dhaxeeyay Madxaweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa oo cirka isku…

0
172

Warar hoose oo aynu ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya inay muran siyaasadeed soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu jiro.

Wararka ayaa sheegaya in dhanka awoodda la isku qabtay isla markaana xildhibaanno Hawiye iyo Daarood khilaafaadka taagan ay ka qeyb noqdeen.

Ilo-wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay taageertay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Wasiirada Damu-jadiid ee madaxweynaha ku fikirka ah ayaa kamid ah kuwa la isku khilkaafsan yahay.

IGAD iyo beesha caalamka ayaa amray in Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka uu joojiyo awoodda uu sida aan cadaiga ahayn u isticmaalayo.

IGAD waxaa ay amartay in Xasan uu ku wareejiyo awoodda inteeda badan Ra’iisul wasaaraha dalka Dr. C/weli SHeekh Axmed.

Maalmihii dambe waxaa soo baxayay eedo Ra’iisul wasaare C/weli uga imaanayay qaar kamid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiin ku eedeynayay inuu qalalaase ku lug leeyahay.

Hase yeeshee, beesha Daarood ayaa inta badan taageero weyn u heysa Ra’iisul wasaaraha inkastoo beelaha qaar ay tabanayaan in ra’iisul wasaaraha uusan qaban wixii loo igmaday.

Xasan-Sheekh-iyo-Ra’iisul-wasaarihiisa

Idale News Online, Muqdisho.