Khilaafka madasha wadatashiga Qaran oo heer caalami gaaray iyo Keating oo…

0
593

Muqdisho (INO) – Waxaa sii xoogeystay Khilaafkii ka taagnaa hirgalinta maqaamka maamulka Gobolka Banaadir uu ku yeelan doono Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Muranka ka taagan qodobka Gobolka Banaadir ayaa iminka la soo warinayaa inuu ka baxay gacanta Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michael Keating.

Mr Michael Keating, ayaa arrintaani ku wargaliyay Hogaanka sare QM, waxaana la sheegayaa in Qaramada Midoobay ay arrintaani usoo direyso wafdi heer caalami ah oo xal u raadiya khilaafka.

madashaaaaaKhilaafka ugu weyn ayaa waxaa iminka wada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo si cad u sheegay inuu qaadacay qorshaha Gobolka Banaadir lagu gaarsiinayo aqalka sare.

Axmed Madoobe oo ku fakir ahaa C/wali Gaas, ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay tanaasul, si aan khilaafkooda sabab ugu noqon dhib hor leh oo ay galaan shacbiga Soomaaliyeed.

Shirarka ayaa wali ka socda Villa Somalia, waxaana mar waliba rajo laga muujiyaa guulaha laga gaari karo shirka hadana ma muuqdaan guulo.

Lama saadaalin karo natiijada kasoo bixi karta shirka wali socda.

Idale News Online, Muqdisho