Daawo+Dhageyso: Khilaafka Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Jubaland ee Kismaayo oo markale cirka isku shareeray

0
191

Ka dib war-murtiyeedkii ay Kampala ka soo saareen madaxda geeska gaar ahaan kuwa ay ciidamadu Somalia ka joogaan, waxaa marka soo ifbaxey khilaaf  xoogan oo ku aadan arrimaha maamulka Jubaland. Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo  maanta Muqdisho ku laabtay kadib kulan 3 maalmood qaatay oo kaga soo qeybgalay Kampala ayaa ka hadlay warmurtiyeedkii ka soo baxay kulankii Kampala iyo dekada iyo garoonka Kismaayo isagoo kulankaas ku tilmaamay guul usoo hoyatay Somalia.Hoos ka dhagayso hadalka Xasan Sheekh

Dhageyso Hadalka Madaxweynaha oo Saxaafada ugu waramaayey isagoo ku sugan garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho

[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/08/xasan-sheekh-kampala.mp3]

Dhanka kale Axmed Maxamed Islaam oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo si kulul uga hadley war-muriyeedka Kampala kuna eedeeyey dowlada Federaalka Soomaaliya in aysan daacad ka aheyn wadalada iyaga iyo dowlada Somalia u socda, dekada Kismaayo iyo kuwa kale ee dalkuna hal sharci leeyihiin. Daawo shirka jaraa’id ee Axmed Madoobe ku qabtey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo:

madaxweyneXasanSheikh
Idale News Online