Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa 2dii cisho ee ugu dambeeyey lahaa kulan aan loo kala kicin oo ay kaga wada tashanayeen tirada Xubnaha Golaha Wasiirada, taasoo ah xudunta khilaafka hareeyey masuuliyiinta sare ee dowlada Somalia gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo mid walba uu tiro kooban la yimid kulamadii ugu dambeeyey.
Madaxweyne Xasan ayaa raba in dalku yeesho ugu badnaan 10 wasiir kuwaas oo sharafta iyo karaamada ummadu laheyd dib u soo celiya, halka Ra’iisul Wasaare Saacid uu isna rabo in tirada aysan ka yaraan 18 Wasiir, si looga gudbo khilaafka iyo diidmada ka imaan karta ansixinta xukuumada marka la hor geeyo barlamaanka.
Shakiga ku gaarka ah Ra’iisul wasaaraha Somalia Mudane Saacid ayaa ah in tirada yar ee wasaaradaha dowlada ay noqdaan kuwa dusha looga keeno oo u badan xisbiga Madaxweynaha ee Dam Jadiid.
Mid ka mid ah xubnaha barlamaanka oo kulan la qaatey Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa idaacada Maxaliga ka yiri “Wadanka Somalia ma jiraan Axsaab Siyaasadeed oo uu dalku leeyahay oo sharciyeysan, Barlamaanka ayaana keeney Madaxweynaha hadda jira sidaasi darteeed Madaxweyne Xasan xaq uma laha in xubnaha Xisbigiisa PDP ku gorgortamo”
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku qaadatey in 27 cisho inuu ku keeno Ra’iisul Wasaare, ayaa haddana ra’iisul wasaarihiisu muddo intaas ka badan ku qaadatey inuu dhiso gole wasiiro oo daboola baahida dowladda oo ay dadka Soomaaliyeed wada sugayeen.
Muddo ka yar 5 cisho ayaa ka harsan mudadii sharciga u siiyey Ra’iisul Wasaaraha in uu soo dhiso xukuumad. Xukuumada ayaa hadii la soo dhiso waxaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Dastuurka Soomaaliya uu dhigayaa hadii Baarlamaanku ay diidaan xukuumada cusub labo jeer in Ra”iisal wasaaraha xilkiisa waayi doono.
Dhanka kale, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankii ugu danbeeyay ay mudanayaasha Baarlamaanka yeesheen ka sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya si dhab ah ula xisaabtami doonaan xukuumada ayna jiri doonin xukuumad baal marsan sharciga dalka u degsan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com