Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Warfaafinta Somaliya iyo Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir

0
284

Muqdisho(INO)-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in khilaaf uu soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Maxmed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Hay’adda Nabad Suggida.

Wasiirka, ayaa ka carooday in Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ay isaga deg degto xariga Idaacadaha iyo Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Wasiirka oo maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu Nabad Suggida uu ugu yeeray inaanay iska xirin Suxufiyiinta iyo Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ilaa laga soo wargeliyo Warfaafinta.

Wasiirka waxa uu Nabad Suggidu weydiistay in sababta iyo ujeedada lagu xiraayo Suxufiyiinta iyo Idaacadaha madax banaan, la soo ogeysiiyo Wasaaradiisa, si leeskula ogaado waxa lagu heysto Suxufiyiinta.

Dhanka kale Wasiirka oo ka hadlayay xariga Suxufiga indhaha la’ ee loogu geystay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu muujiyay sida uu kaga xun yahay xarigiisa, xilli uu xiran yahay maalintii 5-aad.

Wariye C/fataax Xasan Axmed (Kalgacal) oo ah Wariyaha keliya ee bilaa indhaha ah, kana hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaan si rasmi ah loo garanayn waxa keenay in la xiro.

KalgacalKalgacal1Kalgacal2

Wariye Kalgacal oo Xildhibaano wareysanaya

Saraakiisha Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa iska diiday inay ka hadlaan xariga ka dhanka ah Wariye C/fataax Kalgacal, oo ka hawlgala Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Jimcihii, ayaa xabsiga loo taxaabay 30 ka mid ah Suxufiyiinta Idaacadaha Shabelle iyo SKY, inkastoo intoodu badan la sii daayay, marka laga soo taggo Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse Maxamuud, Ku Xigeenka Madaxa Wararka Idaacada Axmed Cabdi Xasan iyo Madaxa Shaqada & Shaqaalaha C/casiis Maxamed Xaaji.

Idaacada Shabelle, ayaa waxaa lagu heystaa inay baahisay codka Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), xilli uu ka hadlaayay weerarka Jaamacadda Magaalada Garissa.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here