Muqdisho(INO)-Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Khilaaf hoosaad uu xiligaani ka dhextaagan yahay Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir.
Xogtu waxa ay sheegeysaa in Khilaafka uu dhashay kadib markii Faarax C/qaadir iyo R/W CC ay isku qabteen Siyaasado ku xeen-daaban Hiigsiga 2016-ka.
Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Khilaafka uu ka dhashay dacwad ku saabsan faragalin uu Faarax C/qaadir ku sameeyay Xafiisyo dhowr ah, taasi oo uu R/W CC gaarsiiyay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Helimaryam inta uu ku sugnaa Adis ababa.
Faarax C/qaadir ayaa weli awood ku dhex leh Xarunta Villa Somalia waxa ayna awoodiisu u dhigantaa tan Madaxweyne Xassan marka loo eego faragalinada uu ku hayo Xafiisyada aan isaga Khuseyn.
Dhanka kale, Khilaafkani ayaa muujinaaya in Faarax C/qaadir uu ku amar taagleynaayo Mas’uuliyiinta Qaranka, iyadoona Madaxweyne Xassan Sheekh uu afka ka qabsaday arrimahani taagan.
Idale News Online, Muqdisho.