Khilaaf ka dhex curtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Proff.Jawaari kaddib arrin xasaasi oo la isku qabtay

0
389

Muqdisho(INO)-Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhex curtay madaxweyne Xasan iyo Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Khilaafka uu ka dhashay Hiigsiga Cusub ee 2016-ka kadib markii Jawaari uu Madaxweyne Xasan ku cadaadiyay in dowladda uu Xasan hogaamiyo ay BF usoo badhigto qorshaha Doorashooyinka la damacsan yahay.

Jawaari ayaa sidoo kale madaxweynaha u sheegay inuu cadaadin adag kala kulmaayo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan suuragal noqon karin in Wakhti kororsi ay sameyso DF.

Waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamku ay ka codsadeen in fadhiga 6-aad oo dhawaan lagu wado inuu furmo BF looga doodo arrimaha doorashooyinka bacdamaa ay fooda kusoo heyso, loona baahan yahay in Madaxweynaha uu ku baraarugo.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo culeysyo kala duwan heysto, ayaa waxa uu Jawaari ka codsaday in Arrimaha doorashooyinka uu dib u dhigo maadaama ay wakhti badan uga harsan yihiin.

Waxa uu sheegay in DF ay horyaalan Barnaamijyo badan loona baahan yahay in marka hore lagu taqluusiyo Barnaamijadaasi, ka hor inta aan la guda gelin arrimo doorasho.

Kulanka labada Mas’uul oo aan laga gaarin wax natiijo ah, ayaa waxa uu kusoo dhamaaday qabyo kadib markii ay isku fahmi waayen u guda galka arrimaha doorashooyinka.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here