Khilaaf gacanta la isula tagey oo shirkada SKA iyo Favori ku dhex marey gudaha garoonka Muqdisho, R/W Saacid oo garoonka u yimid xalintooda

0
213

Khilaafkan ayaa yimid kadib markii Dhisme ka socda Safaarada Mareykanka  ee Soomaaliya uu u baahday qalab dhismeed aad u muhiim u ahaa oo la doonaayey in laga soo dejiyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Shirkada Favori oo dhawaan garoonkaasi gacan ku heyntiisa la wareegtayna ayaa sheegtay in 3 bilood ka dib ay keeneyso qalabkii loo baahnaa ee lagu soo dejin lahaa alaabaha muhiimka ah.

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo dhismaheedu uu ka socdo Xarunta Xalane ayaa qandaraaskaas waxay siisay Shirkadii dhowaan xilka Garoonka diyaaraha laga qaaday ee SKA .

Shirkada SKA ayaa marka ay timid oo bilowdey iney soo dajiso qalabkii dhismaha ee Safaarada  Mareykanka ee Soomaaliya laheyd, waxaana Mar qura Shirkada Favori oo xilligan mas’uuliyada Garoonka Diyaaradaha heysa ay ka war heshay shaqaale labisan dareeska SKA oo ka shaqeynaya halkaas.

Madaxa Shirlkada Favori oo lagu magacabo Maxamuud ayaa Shaqaalaha SKA ku amray inay qaataan hadii ay Garoonka howl ka qabanayaan Dharka Shirkada Favori, Taasi oo ay ka biyo diideen Shaqaalaha SKA.

Intasi kadib waxaa gacanta iskula tagay markii Muranka Shaqaalaha Labada Shirkadood uu batay John oo ah madaxa SKA Somalia iyo Seddex kamid ah Shaqaalaha Favori taas oo keentay in si xun loo garaaco Madaxii SKA Somalia John.

FAVORI-LLC

Madaxda SKA ayaa qadka Telphone-ka waxay kula hadleen madaxa Shirkadaasi ugu sareeya oo sida la tilmaamay ku sugan dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta , kadibna waxaa sida la sheegay uu dhankiisa arintan kusoo war galiyay Madaxda dowlada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia.

Daqiiqado kadib murankii oo loo maaro la’yahay waxaa halkaasi gaaray Ra’sul wasaare Saacid oo dhex dhexaadiyay qilafkii gacan ka hadalka sababay ee ka dhacay garoonka Muqdisho, waxana la sheegay in SKA lagu qanciyay inay howsheeda gudato iyadoo Dharkeeda wadato kadib wada hadal waqti qaatay .

ska

Favori ayuu ra’isul wasaare Cabdi Faarax ku qanciyayb inay samirto inta howshaasi ay kadhamaaneyso SKA,  waxaana uu amar ku bixiyay in ciidamo boolis Somali ah oo amniga suga inta hoshooda ay SKA ka gudaneyso halkaasi la geeyo

 

Idale News Online