Khadra Bashiir “UNECSO Cilmi baaris ay sameysay waxay ku ogaatay in Afsoomaaliga halis ku jiro”

0
225

Muqdisho(INO)— Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Khadra Bashiir Cali ayaa baaqday in Dowladda Soomaaliya inay la yimaado qorshe lagu xoojinayo Afka Soomaaliya oo ay xustay inuu noqday luqad caalami ah, kana gudbay xuduudaha.

Khadra Bashiir ayaa wareysi ay siisay laanta Afka Soomaaliya ee VOA waxay kaga hadashay hoos u dhaca ku yimid isticmaalka Afka Soomaaliga, iyadoo tilmaamtay in cilmi baaris ay sameysay Hey’adda UNESCO lagu ogaaday in luqada Soomaaliga uu halis ku jiro

“Afsoomaaliga wuxuu ka gudbay xuduudaha, waa luqad caalami ah, hadana wuxuu gaaray heer taqasusaad ahaan Af Soomaaliga looga dhigo Jaamacadaha ku yaalla Adduunka, Cilmi baaris ay dhowaan sameysay UNESCO, waxay ku sheegtay in luqada Soomaaliga uu halis ku jiro, isla markaana uu ku jiro heerka afaraad”ayay tiri Wasiirada Waxbarashada.

Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay in dowladda looga baahan yahay inay ku shaqeyso afsoomaaliga, Jaaliyadaha dibadana ku hadlaan, isla markaana Iskuulada laga dhigo Af Soomaaliga, si meesha looga saaro qatarta uu ugu jiro in Afsoomaaliga uu hoos u dhaco.

“Madaxweynaha wuxuu digreeto ka soo saaray in dhamaan Hey’adaha dowladda ku shaqeeyaan afsoomaali, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu soo saaray wareegto oo ah in Wasaaradaha oo dhan Afsoomaaliga ku shaqeeyaan, ayna hirgeliyaan”ayay tiri Khadra Bashiir Cali.

Wasiiradda ayaa xustay in Wasaaradda Waxbarashada ay wado qorshayaal is bedel ah oo ay manhajka guud ee dalka wax kaga bedelayaan, isla markaana siyaasada dowladda ay tahay in Luqada Soomaaliga uu kow yahay, Afka Carabigana uu ku xigo.

“Dadka waxay u maleynayaan in hadii lagu hadlo Af Ingiriis ilbaxnimo tahay, imisa jaamacadood oo adduunka ku yaala ayaa Afsoomaali laga dhigaa, Jaamacad ku taal Ingiriiska ayaa waxay naga codsadeen inay taqasus ku sameynayaan Luqada Soomaaliga, marka hadii dad aan u dhalan Soomaali ay baranayaan, maxaa u diidaya dadkeena inay ku hadlaan”ayay mar kale tiri Wasiiradda Waxbarashada.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegtay in Jaamacadaha ku yaala dalka ay kala hadleen inay Afsomaaliga hirgeliyaan, isla markaana ku soo kordhiyaan taqasusaad Afsoomaali ah, isla markaana marka cilmi baaris la sameynayo lagu sameeyo Afka Soomaaliya, si loo adkeeyo luqada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here