Khadka Tareenka Casriga ah Itoobiya– Jabuuti oo la Furayo Bisha Soo Socota

0
213

Jabuuti(INO)-Khadka casriga ah ee dhawaan la dhisay ee tareenada ee isku xiraya dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in la furo bisha soo socota.

Khadkaa ayaa waxaa lagu wadaa inuu isku xiro caasimadaha Addis Ababa iyo Jabuuti dalka Jabuuti. Mudadaa markii la gaaro ayaa si rasmi ah lagu wadaa in loo furo khadkaa cusub ee tareenada ee casriga ah.

Shalay Sabtidii ayaa dawlada Itoobiya ay isku duba riday booqasho koox wariyeyaal ah ay ku tageen istaanka khadkaa kaasoo ah mashruuc weyn ayna maal galisay dawlada Shiinaha.

Khadkaa ayaa wuxuu dhan yahay in ka badan 600 km (373 mayl) min Addis ilaa dakada Doraleh ee dhacda gacanka Cadan.  

Khadkaa ayaa tareenadiisu ku shaqeeyaan koronto biiada ama deegaankana waa u roon yahay.

90% waxyaabaha laga dhoofsho iyo waxyaabaha loo soo dhoofsho Itoobiya waxay maraan dekadaha Jabuuti maadaama dalka Itoobiya uusan bad lahayn.