Kevin De Bruyne Oo Muddo Bil Ah Garoomada Ka Maqnaanaya, Dhaawiciisa Oo Ku Soo Aaday Waqti Ay City Adeegiisa Si Wayn Ugu Baahnayd Iyo Kulamada Uu Maqnaan Doono

0
291

Tababare Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City ayaa helay war xun iyada la xaqiijiyay  in xidiga qaab ciyaareedka cabiibka ah ku jiray ee Kevin De Bruyne uu muddo bil ah  garoomada kaga maqnaan doono dhaawac ku soo gaadhay kulankii Swansea City. Kevin De Bruyne ayaa door wayn ku lahaa in Man City ay soo guulaysatay 10 kulan oo xidhiidh ah oo tartamada oo dhan ah.

Guardiola ayaa ku qasban in uu xal u raadiyo dhaawaca soo gaadhay Kevin De Bruyne wuxuuna fursad siin doonaa xidigaha kale ee kooxdiisa ee ka maqnaa shaxda uu ku soo bilabaan jiray kulamadii uu guulaha xidhiidhka ah soo gaadhay laakiin waqtiga uu dhaawaca Kevin De Bruyne ku soo aaday ayaa ah waqti aad xaasaasi u ah iyada Man City ciyaari doonta kulamo muhiim ah.

Kevin De Bruyne goes down injured during City's 3-1 victory over Swansea on Saturday

Kevin De Bruyne ayaa daqiiqadii 80 aad garoonka dhaawac looga saaray kulankii ay Man City guusha ka soo gaadhay kooxda Swansea City wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa muddo bil ah iyada oo waliba magaalada Barcelona ugu safraya in baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo si xaaladiisa loo hubiyo.

The midfielder was substituted on 81minutes and could be sidelined for the next four weeks

Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa lagu wargaliyay in De Bruyne uu dhawaac soo gaadhay isla markaana aanu door ku yeelan doonin kulamada heerka caalami ee ay bisha danbe ciyaari doonaan. Todobaadka soo socda ilaa bisha October ee inagu soo aadan oo uu De Bruyne inta ugu badan maqnaan doono ayay Man City ciyaari doontaa kulamo xili ciyaareekeeda saamayn ku yeelan kara.

The Spanish coach still believes his top scorer can improve his all-round game

Haddaba halkan kaga bogo kulamada uu Kevin De Bruyne ka maqnaan doono kooxdiisa Man City:

Sep 28 Celtic V Man City (Marti), Champions  League

Oct 2    Tottenham V Man City (Marti), Premier League

Oct 15  Man City vs Everton (Minan), Premier League

Oct 19  Barcelona V Man City (Marti), Champions League

Oct 23  Man City vs Southampton (Minan), Premier League

Kulamada Xulka Qaranka  Belgium:

Oct 7    vs Bosnia & Herzegovina, World   Cup qualifier

Oct 10  vs Gibraltar, World Cup  qualifier

Keven De Bruyne ayaa seegi doona shan kulan oo ay Manchester City ciyaari doonto kuwaas oo iskugu jira Premier Leaque iyo Champions Leaque-ga halka uu xulka qarankiisa ka maqnaan doono laba kulan oo ka tirsan isreeb reebka koobka aduunka loogu soo baxayo. Laakiin De Bruyne ayaa bartilmaameedsan doona in uu taam u noqdo kulanka Old Traffrod ee Leauque Cupka oo la ciyaari doono October 26.