Kenya oo xuduuda ka raadinaysa saddex Sarkaal oo lagu waayay weerarkii Gobolka Waqooyi Bari

0
351

Kenya(INO)- Kenya, ayaa xalay ciidan ku soo daadisay xuduuda Gobolka Gedo Somaliya uu la wadaago Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo ay baadigoob ugu jiraan saddex ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya, oo lagu waayay weerarkii Isniintii shalay ay Shabaabku ka ka gaysteen Gobolka Waqooyi Bari.

Ciidanka Kenya, ayaa waxaa lagu soo daadiyay inta u dhaxeyso Deegaanada Dhamase iyo Ceelwaaq, waxaana dhulka xuduuda ku teedsan ay ka raadinayan Saraakiishaasi, oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn.

Saraakiishan, ayaa la socotay gaari ciidan oo galbinaayay bas ay la socdeen rakaab, iyadoona lagu weeraray Deegaanka Dimu, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Mandheera & Deegaanka Ceelwaaq Kenya.

Weerarkan, ayay Kenya sheegtay in looga dilay shan Sarkaal, halka afar kalana looga dhaawacay, ka dib markii ay Shabaabku la helayn qoriga garabka laga tuuro ee baasuukaha/sabanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmada Mandheera, Korneyl Job Boronjo, ayaa sheegay in gaarigii ay rakaabka la socdeen uu ka badbaaday weerarkaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya, sida ay baahisay Idaacadda Andalus, oo ku hadasha afka Ururkaasi. Andalus, ayaa tebisay in Xoogagii Shabaabka ee weerarka gaystay ay dib ugu laabteen fariisimahooda, oo aanay sheegin halka uu ku yaalo.

Weerarkan waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo Kenya ay damacsan tahay in darbi ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Somaliya, waxayna taasi qiil uga dhigaysa weerarada kaga imaanaya Al Shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay