Kenya oo xirtay Sheekh Xasaan markii uu Al shabaab ugu baaqay inay ku biirto Daacish

0
571

Nairobi (INO) — Ciidanka Booliska ayaa Xalay Gurigiisa Magaalada Nairobi kala baxay Wadaadka Taageera Kooxda Al shabaab ee Sheekh Xasaan Xuseen.

Teaser Image Kenya oo xirtay Sheekh Xasaan markii uu Al shabaab ugu baaqay inay ku biirto Daacish

Wararka Idale News Online ay ka heshay Dad degan Nairobi ayaa sheegaya in Booliska ay Sheekh Xasaan iyo Afar kamid ah Ardaydiisa ay geeyeen Saldhig Boolis oo Mudo Saacado ah ku xirnaayeen.

Mudadii uu Sheekh Xasaan ku xirnaa Saldhiga ayaa waxaa wax laga waydiiyay Hadal uu Habeen hore jeediyay oo ahaa inay banaan tahay in Al shabaab ku biirto Kooxda Daacish.

Wadaadka oo si indha la’aan ah u taageera Kooxda Al shabaab ayaa wuxuu dhawaan sheegay in laga mid noqdo Daacish ay tahay wax banaan oo aysan diideyn Diinta Islaamka, waxaana Hadalkiisa uu yeeshay saameyn balaaran oo keenay in la xiro.

Bishii Maarso 2014, sidan oo kale Ciidanka Kenya ayaa xiray Sheekh Xasaan Xuseen markii uu ku booriyay Dhalinyarada Kenya inay aadaan Soomaaliya oo ay ku biiraan Dagaalka Al shabaab oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid Jihaad ah. 3 Bilood kadib ayaa lagu sii daayay Damiin.

Idale News Online – Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here