Kenya oo sheegtay inay duqeyn ku dishay taliyihii hogaaminayay ciidamada Alshabaab ee weerarkii Ceelcadde

0
193

Nairobi(INO)—Taliyaha ciidamada dalka Kenya Gen Samson Mwathethe oo ku qabtay shir jaraa’id magaalada Nairobi ayaa sheegay in duqeyn ay ku dileen taliyihii hogaaminayay ciidamada Alshabaab ee weeraray saldhiga CeelCadde.

Gen Mwathethe ayaa sheegay in Macalin Janow oo horkacayay ciidamada Alshabaab iyo saraakiil kale ay ku dileen duqeyn dhinaca cirka ah sida ay daabacday jariirada Daily Nation.

Mwathethe oo ka hadlayay xoogga uu lahaa weerarkii lagu qaaday saldhiga ay ku lahaayeen Gedo ayuu ku tilmaamay inuu ahaa qaraxii ugu horeeyay mid ka weyn saddex jibaar weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi Qaraxa  August 7 1988.

Waxana uu Generalku intaa ku daray in ay adag tahay in lagu ogaado barista DNA-da meydadka dadka ku dhintey qaraxyada.

Genralka oo ka hadlay weerarkii Ceelcadde ayaa xaqiijiyay inay weli la la’ yahay qaar kamid ah ciidamadii ka howlgalayay saldhigga CeelCadde,hase ahaatee generalka ayaa diiday in uu sheego tirade saxda ah ee ugaga dhimatay ciidamada Kenya Ceelcadde.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada taliyaha ciidamada Alshabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga Ceelcade.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here