Kenya oo sheegtay inay duqeyn ku dishay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab

0
211

Nairobi(INO)— Milateriga Kenya ayaa sheegay inay dileen Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Mahad Karatey iyo 10-saraakiil kale, kadib duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya.

War ka soo baxay Milateriga Kenya ayaa lagu sheegay in Mahad Karatey uu Mas’uul ka ahaa weerarkii bishii la soo dhaafay lagu qaaday xero Ciidamada Kenya ku lahaayeen Gobolka Gedo,.

Mahad Karate ayaa la sheegay inuu sidoo kale ahaa Kuxigeenka Hogaamiyaha Al-Shabaab ahna Madaxa Sirdoonka.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in duqeyn dhacday 8-dii bishan oo lala beegsaday meel ka socotay munaasabad tababar loogu soo xirayay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab uu goob joog ka ahaa Mr Karatey, laguna dilay isaga iyo tiro kale oo saraakiil dhexaad ahaa

“Waxaan rumeysanahay in Karatey uu doorar ku lahaa weeraradii u dambeyay ee lagu qaaday Ciidamada Kenya ee ku sugnaa Xerada Ceel Cadde”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Milateriga Kenya.

Mahad Karatey ayaa sidoo kale madax u ahaa Amniyaadka iyo guutada is qarxinta iyo qubarada sameysa waxyaabaha qarxa sida lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Milateriga Kenya.

Bishii April ee sanadkii hore Mareykanka ayaa waxay Mahad Karatey oo magaciisa yahay Abdirahman Mohamed Warsame ku dartay liiska argagixisada, laguna eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2-dii April ee sanadkii 2015 dhacay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kenya oo ah inay dileen Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here