Nairobi(INO)- Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab , ka dib roondo ay sameeyeen ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan deegaanka Haluuqa ee dalka Kenya.
Lt. Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in ay dileen 4 qof oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somaliya.
Waxa uu sheegay in ay dagaal ku dileen ka dib markii ay la dagaalameen ciidanka dowladda Kenya ee deegaanka Haluuqa oo roondo ka waday xaafado ka tirsan deegaankaasi.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay baxsadeen dagaalyahano kale oo la aamin san yahay in ay ka tirsan Al-Shabaab ,islamarkaana ay ku dabajoogaan.
Ciidamada Al Shabaab ayaa xilliyada qaar waxaa lagu arkaa iyaga oo dhex socda deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ku qaaday dalka Kenya ka dib markii ciidanka dowladda Kenya ay Soomaaliya gudaha u soo galeen sanadkii 2011 kii.