Nairobi(INO)— Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano Tanzanian iyo Kenyan ah oo ku biiray Al-Shabaab ka qeyb qaateen weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kulbiyow, halkaasoo saldhig ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayaa sheegay inay raggii fuliyay weeraradii is-miidaaminta ay ku hadlayeen luqada sawaaxiliga, qaraxyada kaddib ay xerada soo weerareen ku dhowaad 500 dagaalyahan.
Wargeyska The Star ayaa sheegaya in dagaalyahanada ka qeyb qaatay weerarkaas ay ahaayeen kuwo Carbeed oo luqada carabiga ku hadlayay.
Mid ka mid ah askartii ka bad baaday weerarkaas ayaa u sheegay wargeyska in sidii mowjado oo kale inay u socdeen dagaalyahanada soo weeraray xerada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalyahano Carbeed oo ku hadlayay luqada carabiga ay qeyb ka ahaayeen dagaalka.
Weerarkii Kulbiyow ayaa ahaa kii labaad oo khasaare culus ka soo gaara ciidamada Kenya, iyadoo sanad ka hor weerar sidan oo kale Al-Shabaab ugu qaaday xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Kulbiyow ay ku dishay 67 askari, inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in 9 askari looga dilay.